Page 41

Codadkeenna, Sawirradeenna

doonaan. Gaar ahaan gobolka Ogaadeenya oo gacanta ugu jiray Itoobiya, hase yeeshee uu carrigaasi noqday mid caqabaddiisu halkaa ka sii socoto.   Sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulkii isticmaarka ee ingiriiska, lord Renell Rodd, ayaa caddeeyay in ”haddii la daneeyn lahaa middaa ey suurtagal ahayd in dhammaan dhulka soomaalidu ku dhaqan tahay la hoos geeyn kari lahaa ingiriiska. Hase yeeshee aanu caalamku middaa u soo jeedin, annaguna sidaa uma aan xiiseeyneyn. Waa sababta dhalisay iney kala gogo’do qowmiyaddii keliya ee midka ahayd ee afrika carrigaa kaga tiilay.”   Sannadihii ugu horeeyey ee xoriyadda la qaatay ayaa dalka laga dhisay nidaam baarlamantari, dimoqoraadi ah. Doodo wax ku ool ah ayaa baarlamanka ka socon jirey, halka doorashooyinkana ey ka qeyb geli jireen xisbiyo fara badan kuwaasina oo ku wanaagsan habka dhaqanka nolosha soomaalida. 62 xisbi ayaa tartan u galey 123-kii kursi ee baarlamanka 37 qaranka.   Inkasta oo ey jireen xaaladaha iska horimaadka qabiillada, farqiyada u dhexeeyey labadii gobol ee isticmaarku gumeeystey iyo xaaladda tacliin xumo ayaa haddana sagaalkii sannadood ee xoriyadda ka dambeeysay loo arkaa iney soomaaliya ku socotey dhabbadii furfurnaanta ee isticmaarka dabadii ee qaaradda Afrika. 1961 ayaa loo codeeyey dastuur cusub ee dalku yeesho iyadoo haweenkana la siiyey xoriyadda codka.   Aden Cabdulle Cusman oo ka tirsanaa Somali Youth League ayaa noqday madax weynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya sannadihii 1960-1967. Doorashadii la qabtay sannadkii 1967 ayuu kursiga kaga guuleeystay Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ey xisbi ka wada tirsanaayeen. Sagaal sano dabadeed kolkii xoriyadda la qaatay, gabagabadii 1969 ayaa meesha laga saaray nidaamkii dimoqoraadiyadeed. Dilkii madax weyne Sharmaarke ayaa sababay in milaterigu gacanta ku dhigaan xukuumaddii Muqdisho; Waxaa la kala direy baarlamankii, waxaa la mamnuucay xisbiyadii halka sidoo kale xabsiga loo taxaabey siyaasiyiin dhumuc ku lahaa. Awooddii dalka ayuu la wareegey golihii kacaanka oo uu hoggaamiyayay madaxii ciidammada qalabka sida Maxamed Siyaad Barre, isagoona xukunka gacanta ku hayay muddo 20 sannadood kor u dhaafeysa.   Barre ayaa ku talo jiray inuu dalka ka hirgeliyo mabda’a ”Sooshiyaaliisamka ee cilmiyeeysan” iyo xiriir adag oo uu la yeesho dalkii horay loo oran jirey Midowga Soofiyeeti. In la baabi’iyo qabiilka, maadaama uu Barre sheegay ”In aaney meel wada geli karin nidaamka sooshiyaalismada cilmiyeeysan iyo qabiilku”. Waxaa sidaa darteed abuurmay halheeyska ”Qabiilku waa burburiye, sooshiyaaliismaduna waa dhisaha”. Summado qa


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above