Page 40

Codadkeenna, Sawirradeenna

Taariikhda casriga ah Soomaaliya weligeed dawlad la’aan ayay ahayd qoraal la’. Dhaqanka afka ayey qani ka yihiin, hase yeeshee taariikhaan dib raac lahayn afka la isugu gudbin jirey jiil ka jiil qoraal la’aan.   Abtirsiga ayaa qiime ugu fadhiya soomaalida, weliba kolka laga hadleyo reer guuraa iyo abtirsiimmada oo ahayd xaalad ammaanka sugta. Waxaa inta badan la sheegaa in soomaalidu abtirsan karto 20 illaa 30 odey. Dad badan ayaa u macneeya abtirsigu inuu yahay midka xeer iyo kan qaraabo ee soomaalidu isku garato, kaasina oo meeleeya shakhsiga..   Qabiillada soomaalidu waxey leeyihiin lafo iyo jilibyo iyo reero. Qabiillada ayaa ka kooban Sab iyo Samaale – Qabiilka Sab ayaa markiisii hore ahaan jiray ururiye, ugaarsade 36 ama beeralay, halka uu Samaale ka soo jeedo reer guuraa iyo xoolo dhaqato. Labada jilib ee Sab u kala baxo waa Digil iyo Raxan wayn, Samaale wuxuu u kala baxaa afar jilb: daarood, isaaq, hawiye iyo dir. Daarood waa qabiilka ugu wayn. Taariikh ahaan wuxuu qabiilka soomaalidu shabahaa kan hindida, weliba marka laga hadleyo dhaqanka qabiilladu inaaney kala guursan.   Qabiilku wuxuu leeyahay awood wax lagu mideeyo iyo mid lagu kala qaybiyo. Haddii aaney dawlad dhexe jirin wuxuu qabiilku macneeyaa cadaaladda deegaanka. Hase yeeshee wuxuu kaloo qabiilku noqon karaa mid guurguura oo lafo u kala baxa. Xulufeeysiga qabiillada ayaa isbedbedela. Dareenka qabiil ayaa mararka qaarkood si adag loo muujiyaa kaasoona ceymis noqda, hab bulshadeed dhisan oo la isku haleyn karo. Qabiilku wuxuu ballan qaadaa ammaan, iyo inuu halis ruuxa ku yahay kolka qabiil kale ugaarsanayo. Sannadihii 1940- iyo 1950 ayey ka abuurmeen xisbiyadii ugu horeeyey dhulkii uu haystay gumeeysigii talyaanigu. Xisbiyadii ugu waaweynaa waxaa ka mid ahaa xisbigii waddaniga ee Somali Youth League (SYL), kaasina oo gacanta ku dhigay jagadii madaxwaynenimo kolkii xoriyadda la qaatay sannadkii 1960. Kowdii bishii luulyo ee isla sannadkaa ayey midoobeen gobolladii uu ingiriisku gacanta ku hayay iyo kuwii uu talyaanigu gacanta ku hayay, waxaana halkaa ka aasaasmay dawladdii Soomaaliya. Dadyoow badan ayaa filayey in gobollada kale ee soomaalidu ku dhaqan tahayna sidoo kale ey la midoobi


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above