Page 36

Codadkeenna, Sawirradeenna

amo badan ayaan marna u suurtagelin in Soomaaliya laga hir-geliyo. Quwadihii ajaaniibta 32 ayaaney sidoo kale u muuqan wax horumar dhaqaale ee carrigaa laga hir gelin karo.   Sannadihii 1800 ayay Soomaaliya asiibtay maqaskii reer galbeedku ku kala jarjarayeen Geeska Afrika. Waxaa carrigaa tagey quwadihii ingiriiska, faransiiska, talyaaniga iyo sidoo kale Itoobiya oo waagaa loo arkayey quwad xoog leh. Cadan ayuu ingiriisku gumeeysan jiray si loo xaqiijiyo dhabbada badwaynta Hindiya. Waxay dabadeed gacanta ku dhigeen xeebta waqooyi ee Soomaaliya si uu saldhiggiisa ugu helo hilib. Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay Jabuuti halka Itaaliya ay qabsatay Eriteriya. 1889 ayay boqortooyadii Itoobiya heshiis la gashay talyaaniga, halkaasina oo talyaanigu gacanta ku dhigay koonfurta Soomaaliya. 1884 ayey quwadihii ingiriiska iyo talyaanigu ka heshiiyeen xuduudda dhulka soomaaliya oo ey kala haysteen. 1896 ayey ciidammadii Itoobiya jebiyeen kuwii talyaaniga, halkaasina ogaadeenya ay gacanta ku dhigeen. Koonfurta Soomaaliya ayaa talyaaniga gacanta u gashay sannadkii 1905.   Isticmaarkii ingiriiska ayaa sannadihii 1800 heshiis la saxiixdey qabaa’ilo dega waqooyiga Soomaaliya, halkaasina oo ey ka abuurantay sandaqadda Soomaaliland. Labaatameeyadii sannadood ee ugu horeeyey sannadihii 1900 ayuu carrigaa ka jiray kacdoon uu hogaaminayay wadaadkii-gabyaaga ahaa ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Maamulkii ingiriiska ayaa dayuurrado ku isticmaalay dagaalkaa kolkii carrigaa lagu diley sarkaalkii ciidanka.   Geeridii Sayid Maxamed dabadeed wuxuu dalka soomaaliya u qeybsanaa shan qeybood: Xuduudda waqooyiga Kenya, dhulka Ogaadeenya – Itoobiya, Jabuuti – Faransiiska, Soomaaliland – Ingiriiska iyo koonfurta Soomaaliya – Talyaaniga. Fahanka dhalasho iyo dhaqan ee ka dhexeeya soomaalida ayaa ka adag midka ka dhexeeya qowmiyado badan oo afrika ku nool. Haddii dhulka soomaalidu ku dhaqan tahay la mideeyn lahaa soomaaliya inta ey maanta tahay aad ayay uga baaxad waynaan lahayd. Qowmiyado waaweyn ee soomaaliyeed ayaa ku dhaqan waddammada deriska la ah Soomaaliya, iyada oo xidigta shanta gees ee calanka Soomaaliya dhexda kaga taalina ay astaan u tahay soomaali Wayn.   Wixii ka horeeyay isticmaarkii reer yurub kama jirin Soomaaliya dareen ah dawlad qaran. Xitaa haddii soomaalidu isu qiimeeyn jirtey dad isku mid ah ayey haddana ahaayeen reer guuraa u nool koox koox iyo nidaam ka duwan qaran waxa hadda loo yaqaanno. Sannadihii 1930 ayey Soomaali Wayn ugu dhowayd iney midowdo, kolkaasina oo keligi taliyihii Benito Musaliini isku dayay inuu dawlad quwad leh ka abuuro geeska Afrika oo xukunkiisa hoos timaada, Africa Orientale Italiana, hase


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above