Page 33

Codadkeenna, Sawirradeenna

29 Dal leh abtirsiin soo jireen ah Taariikhyahanka giriigga Herodotos, oo nolaa 400 oo sano horteed dhalashadii nebi Ciise, ayaa safarro badan ku kala bixiyay dalka Masar. Dhanka hore ee bariga qaaradda iyo badda Madow isagoona sawiray qariidado wax ka bedeley sawirkii laga haystey muddo dabadeed geeridiisii. Dib u habeeyn lagu sameeyey qariidadiisii iyo goobihii la deggenaa ee caalamka laga soo bilaabo 450 sannadood horteed intii aannu nebi Ciise dhalan ayaa sawir wanaagsan ka bixinaya nawaaxiga badda Cas iyo geeska Afrika. ”Macrobian-ka – qowmiyad ku dhaqnayd geeska Afrika” waxey ahayd kuwii ku dhaqnaa dhulka ay iminka Soomaaliya dhacdo. Waxaana la sheegaa iney goobtaa muddo dheer ku dhaqnaayeen ilaa iyo 120 sannadood, waxaana lagu sifeeyn jirey ”dadka ugu dhaadheer uguna quruxda badan”.   Xeebta dheer iyo goobta istaraatiijiyadda oo ay ku taalo ayaa u sabab ahayd iney xiriir la yeeshaan qaybaha kale ee caalmka, iyo iney dadyoow kaleeto deegaan ka dhigtaan.   Qaar soomaalida ka mid ah ayaa sheegta iney ka soo jeedaan asal ahaan waddammada carabta iyo qabiilka nebi Maxamed. Waxaa middaa gadaal ka biyo diidey qolooyin aamin-san nashinaaliismada iyo sidii feker gadaal laga allifey, hase yeeshee waxay muujineeysaa xiriirka soomaalida iyo diinta islaamka ka dhexeeyey. Taariikhya


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above