Page 27

Codadkeenna, Sawirradeenna

Xuseen Cali Faarax Magacayga waa Xuseen Cali Faarax, waxaan dhashay 1943. Aabbahay yaraantaydii ayuu dhintay, laakiin waxaan maqlay inuu ganacsade iyo gabyaa wayn ahaa. Waxaan ku koray magaalada Gaalkacyo, laakiin inta badan baadiyaha ayaan joogi jiray oo aan ka jeclaa. Baadiyaha waxaan ku heeysanay geel badan, ido, ari iyo lo’. Maalintii xoolaha ayaan daaq iyo dhaan geeyn jirney. Mararka qaarkood waxaan ka ceeyrin jirney dhurwaayada iyo xoolaha kale ee duur-joogta. Gaalkacyo gudaheeda waxaan ka deggeneyn guri, halkaa uma deggeneyn sida baadiyaha.   Iskuulka aad ayaan ugu fiicnaa. Sidoo kale waxaan dhigan jiray quraanka si aan diinta u barto. Iskuulku aad ayuu u xiisa badnaa maadaama aan tacliinta ku wanaagsanaa. Ardeyda qaar dhib ayey ku qabeen oo waa la dili jirey haddii aaney casharrada ka soo shaqeeyn.   Markaan yaraa waxaan ku riyoon jiray inaan jeneraal noqdo oo aan amar siiyo kummanaan rag ah. Markii aan dhowr iyo toban jirsaday ma furfurnayn oo wakhtigayga badankii waxaan ku bixin jiray wax akhris iyo quraanka. Mararka qaarkood jar ama turub ayaan la ciyaari jiray saaxiibadey.   Kolkii dawladdii dhexe dhacday waxaa bilowday qalalaaso. Waxaan noqday ruux la raadiyo maadaama aan dawladda u shaqeeyn jiray, maadaama gaar ahaan annaga askarta naloo arkayay kuwo qalalaaso dhalin kara.   Dhallaanka Iswiidhen waxay haystaan fursado fiican oo ey ku noqdaan waxay doonaan, hase yeeshee qaar yar ayaa fursaddaa ka faa’iideeysta dhallinyarada soomaalida. Soomaaliya lacag badan ayaa lagu bixiyaa tacliinta halka ay bilaashka halkan ka tahay. Dhallaanku waa iney fursaddaa ka faa’iideeystaan. Si tacliinta ey Iswiidhen ka heleen dalkooda u dhistaan mustaqbalka.   Maxaan wax ka bedeli lahaa? Noloshayda waxba. Dalkayga wax walba. 23


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above