Page 256

Codadkeenna, Sawirradeenna

”Codadkeenna, sawirradeenna” wuxuu ahaa mashruuc looga gol lahaa sidii dib looga sheekeeyn lahaa oo loo qaabeyn lahaa taariikhda casriga ee gubatay. Soomaaliya waxaa baabi’iyey dagaal sokeeyo oo ka socday muddo labaatan sannadood kor u dhaafeysa, xusuus wadareedka ayaa la kala saarey oo qaarkood la masaxay. Soomaaliya waxay ahayd Soomaaliya kale oo ka duwan sannadihii 1960- iyo 1970. Dagaalka sokeeye ayaa iminka burburiyay dalkii, iskuulladii iyo goobihii dhaqammada halka ay hal malyan oo ruux ey dalka ka qaxeen. In ka badan 40 000 ayaa yimid Iswiidhen. ”Codadkeenna, sawirradeenna” wuxuu ka warramayaa shalay iyo berito. Siduu mustaqbalka Soomaaliya u ekaan doonaa? Buuggu wuxuu xambaarsan yahay sheekooyin dhallinyaro ku dhaqan magaalada Malmö iyo wareeysiyo isugu jira kuwo iyaga la qaadey iyo qaar ey iyagu qaadeen, kuwaasina oo ey ka qaadeen badankood qaraabadood ka da’ weyn. Waxaa kaloo buugga laga helaa sawirro qani ah oo isugu jira sawirro cusub oo la xiriira nololmaalmeedka soomaalida Iswiidhen ku dhaqan iyo sawirro taariikhi ah oo gaar loo leeyahay. Tifaftiraha buugga Lars Åberg waa suxufi iyo qoraa. Wuxuu sidoo kale qoray buugaag uu ka mid yahay ”Flower Power” oo laga qoray mashruucii ururka Hidde iyo Dhaqan ee ”Barn i stan”. ISBN: 978-91-637-4988-9 www.hiddeiyodhaqan.com


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above