Page 237

Codadkeenna, Sawirradeenna

233 Shamso Maxamed Foot Waxaan ku dhashay Muqdisho. Aabbahay wuxuu ahaa beeralay dhoofiya moos. Waxaannu lahayn xoolo, magaaladuna sidaa noogama fogeeyn. Xilliyada fasaxa iskuulka waxaannu aadi jirney baadiyaha, halkaasi oo ey joogeen geel fara badan, ido iyo lo’. Ayeeyaday aabbe waxay deggenayd tuulo ay dadka oo dhami xoolo lahaayeen. Waxay kaloo ahayd gabayaa, eedaday qudheedu gabyaa bay ahayd.   Nasiibdarro waxay ahayd sidan; in waagaan yaraa aanay hooyaday doonayn inaan heeso ama aktariisa noqdo, ma aysan dooneyn inaan waxyaabahaa faraha la galo. Iskuulka kuma aanan wanaagsanayn, waxaan jeclaa farshaxanka. Maxay kuugu dhiirigelin wayday? Ma ey jirin haween caan ah oo heesa. Waxay ii sheegtay in noloshaydu khasaari doonto iyo in suurtagal aanan u heli doonin waxbarasho ama shaqo. Da’ hore, aniga oo 15 jir ah ayaan Soomaaliya isaga soo baxay keligay. Waagaa caadi baa loo arkayey in safar la galo koorasyo tacliin ah ama lacagtaada aad ku aado Yurub ama Bariga Dhexe. Hamigaygu wuxuu ahaa inaan Itaaliya tago oo aan ku soo barto jilaanimada. Hase yeeshee waxaan tagay London 1985. Ingiriiska ayaan bilaabay oo waaban caashaqay London. Wax walba ayaa halkaa laga helayay. Sideed isugu debirtay London? Waxaan lahaa nasiib, walaalkay ayaa shaqo fiican haystay marka isaga ayaa bixiyay waxbarashadayda. Sannad dabadii ayaan shaqo ka helay maqaayad fiidadkii iyo shaqo ah ilmo hayn. Macallimiinytayda mid ka mid ah ayaa gitaarka ciyaari jiray, marka wuu i bari jiray aniga oo ku bixin jiray inaan ilmihiisa marmar u hayo. Waxaan ku mashquulsanaa wax howlo aan soomaalida caado u ahayn, muusikadayduna caan ma noqon. Waxaan ahaa fanaanad, laakiin waxaa la i oran jiray inaan wax ka wanaagsan isku mashquuliyo. Marka aniga un baa isku koobay.   Sannadkaygii ugu horeeyay ee jaamicadda ayuu bilowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya. Waxaan ahaa 19 jir oo midda keliya ee muuqatay waxay ahayd sida uu dalkaygii u holcayo. Waxaan jeclaystay inaan meeshaa joogo. Xitaa haddii aan dareemayay inaan ka soo badbaaday, haddana dareenkaygu sidaa ma ahayn. Rajo la’aan ayaan ka dareemayay inaan ka war hayn qaraabaday. Intaa waxaa dheeraa in walaalkay qafaal loo qabsaday.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above