Page 23

Codadkeenna, Sawirradeenna

Shukri, 29 jir Waxaan rabaa inaan adeegto dayuuradeed noqdo. Inaan adduunka oo dhan soo arko. Soomaaliya waa in hubka la dhigo oo wax la barto. Dagaalka waxaa ugu wacan tacliin 19 darrada. Faarax Muliden Waxaan dhashay sannadkii 1935. Waxaan deggenaa magaalada Baraawe, waxay ahayd magaalo qurux badan. Aabbe iyo aniga waxaan ka shaqeeyn jirney dukaankeenna, sidaa daraadeed ayaanan iskuul u dhigan. Waxaan lahayn dameer aan fuuli jiray. Maryan Axmed, 40 jir Reerkayagu ma waynayn. Waxaan shan ruux ku deggeneyn guri ka kooban afar qol iyo jiko. Waxey ahaayeen ayeeyo hooyo, hooyaday iyo saddex gabdhood.   Waxaan xasuustaa inaan la ogoleyn in iskuulka xijaab lagu yimaado. Macallimmiintu way wanaagsanaayeen. Waxaan baran jirney soomaaliga iyo talyaaniga. Wiilasha iyo gabdhaha wey wada fariisan jireen, waxaan dhex fadhiyay laba wiil. Soomaaliya waxay ahayd sida maanta Iswiidhen tahay. Wax walba waannu haysaney; tacliin, xorriyad iyo caddaalad.   Waxaan ku riyoon jiray inaan macallin noqdo, hase yeeshee waxaa bilowday dagaal kolkii aan dugsiga sare ka baxay.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above