Page 227

Codadkeenna, Sawirradeenna

Barni Jimcaale, 73 jir (waxaa wareeysi telefoon ah soomaaliya uga qaaday ilmo ay ayeeyo u tahay) Waxaan deggenahay Hargaysa. Maalin aniga oo 15 jir ah ayaan waalidkay la jooga baadiyaha magaalada bannaankeeda. Waxaa noo yimid reer aan daris muddo ahayn oo uu la socday wiilkooda oo 19 jir ah iyo 15 halaad oo wanaagsan. Waxba ma aanan fahmin, laakiin aabbe ayaa igu yiri orod oo shaah u soo kari martida iyo inaan soo gashto diracaygii ugu quruxda badnaa. Waxaan soo diyaariyay shaahii laakiin waxaan weli gashanaa dharkii aan horay u qabay ee foosha xumaa. Waxaan dhinac fariistay hooyo oo fadhiday geed wayn hoostii.   Markaa ayaan maqlay aabbe oo ku leh ninkii kale ee waynaa:   ”Gabadhayda Barni waa qalbadaydii, qofka keliya ee aan tirsado. Way ka qiime badan tahay kun halaad ninka guursanaya, laakiin adigu waxaad tahay saaxiibkaygii wanaagsanaa, wiilkaaguna waa wiil maskiin ah oo qurxoon. Waan aamini karaa isaga iyo inaan u ogolaado inuu guursado gabadha aan ilmo kelida ka leeyahay.”   Waxaan ku fekeray:   ”Muxuu aabbe ka hadlayaa? Miyuu i iibinayaa?”   Waxaan hooyo waydiiyay waxa ay sameeyneyaan. Waxayna i waydiisay inaan u arag inuu qurxoon yahay wiilku. Intaa waxaa dheeraa in reerku qani yahay. Waxaan markaa fahmay in wadahadalku guur ku saabsan yahay. Ma aanan garanayn wax aan sameeyo. Waxaan doonayay inaan aabbe la hadlo, laakiin aad buu u faraxsanaa oo odaygii kale ayuu la hadlayay. Hooyo ayaa igu tiri inaan iska aamuso iyo inaaana waydiin su’aalo aanay jawaab u hayn.   ”Ha na ceebeyn annaga!”   Aabbe iminka wuxuu ka soo jeestay heshiiskii, isaga oo hooyo hab siinaya ayuu yiri:   ”Haa, dhowaan waxaad guursan doontaa wiil qurux badan, gabadhaydii Barni ee qurxooneeday.”   Markaa ayaan bilaabay inaan aad u ooyo:   ”Marka ima rabtaan inaad i sii haysataan?”   Wey qosleen oo waxey ii sheegeen iney i jecel yihiin, laakiin aan noqday gabar qaangaartay oo aan reer yeesho. Isla maalintii ayay hooyaday ii kaxeeysay Hargaysa iyadoo ii soo iibisay dhar cusub iyo haddiyado fara badan. Toddobaad dabadii ayaan wiilkii is guursaney, waana ninka awowgaa hooyo ah. Toddoba carruur ah ayaannu isu dhalney shan hablood iyo laba wiil. Haddana waxaan leeyahay sagaal ilmood oo aan ayeeyo u ahay iyo saddex aan abooto u ahay. 223


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above