Page 219

Codadkeenna, Sawirradeenna

ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee awood u leh iney dalka ka qaxaan. Waana iyaga dadyoowga ey dhibaatooyinka ugu ballaarani la soo gudboonaadeen. Mana jiraan meel ey u ciirsadaan.   Dhaqankeennu wuxuu ahaa mid ixtiraan iyo qiimo ku dhisan, balse aanu maanta sidaa ahayn. Waxaa dhanka dhaqanka nagaga dhacay jahwareer. Kolka aqoondarridu baahdo dhibaato ayaa la soo gudboonaanaysa dhaqanka. Iminka waxaa jira oo keliya iskuullo mulki loo leeyahay, qaar badan oo ka mid ah waxaa maal-geliya turkiga iyo imaaraadka carabta, halkaasina oo gabdhaha iyo wiilasha la kala sooco. Sideed u aragtaa qorshaha mustaqbalkaaga? Waxaan leenahey laba beer oo aan jeclaan lahaa in dib loo soo nooleeyo. Waxaan halkaa ku abuuri jirney moos iyo cambe. Wax walba waa la bililiqeeystey, cagafcagafyadii iyo mashiinnadii kaleba. Waxaa loo baahan doonaa maal-gelin ballaaran si dib loogu kiciyo. Haddii muddo 20 sannadood ah laga maqnaa waxaa jiri kara dad halkaa iska degey oo ku doodeya iney dhulkaa iyagu leeyihiin. Waxaan heysannaa waraaqo caddeeyneya inaannu leenahey, laakiin laaluushka ayaa ka qiime badan caddeeymaha. 215


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above