Page 218

Codadkeenna, Sawirradeenna

Cabdinaasir Maxamed Xasan Iswiidhen waxaan imid 1990. Waxaan bartay sharciga waxaanan bilaabay inaan ku shaqeeyo macallin af-ka soomaaliga iskuullada ka dhiga. Kolkii aan Soomaaliya dib ugu guuray muddo iminka toddoba sannadood laga joogo waxaan dhexda uga dhacay bartamaha siyaasadda aniga oo ku shaqeeyay guddoomiye guddi iskuduwe ka noqday kaalmada caalamiga ee dalka. Howl adag ayay ahayd. Masuuliyiinta masuulka ka ahaa howlahaa ee ururka caalamiga ee Qarrammada Midoobey oo magaalada Nayroobi saldhiggoodu 214 ahaa ayaa jah wareerey ku ridey howlahaa. Iyaga qudhooda ayaa musuqmaasuqa wax ka waday. Runtii lacag aad u fara badan ayaa socota waana wax laga naxo inaan laga hadli karin sida wax u socdaan. Maxaa dhacaya haddii laga hadlo? Allaha kuu gargaaro. Markaa waa ay kuu dhammaatay. Dadka wey dilaan. Haddii aad suxufi la hadasho waa inaad is waydiisaa: Ma aqaanaa suxufiga? Haddii Soomaaliya uu warkaasi gaaro waa ey kuu dhammaatay. Hadduu yahay suxufi ajnabi ah waxaad sheegto sidoo kale waa la ogaanayaa kolkii la daabaco wareeysiga. Adiga ayey ku soo raadsan. Meel ay doodi ka bannaan tahay maahan. Waxaa wanaagsan in bannaanka laga joogo.   Soomaaliya caddaalad kama jirto. Si loo helo caddaalad waa in la helo dad aqoon u leh xeerka. Maanta waxaa dhacda in haddii guri la isku qabsado uu midna gurigii gacanta ku dhigo, kii kalena uu tago oo hub soo qaato. Waa sida ay u shaqeeyso. Cid walba laaluush bay danaheeda ku gaartaa sidaa ayayna kaga qayb qaataan musuqmaasuqa si ey danahooda ugu gaaraan. Haddii howlwadeennada dawladda la siin lahaa mushaar ku filan uma aaney baahdeen laaluush inay qaataan. Xagguu ka yimaadaa dhaqaalahaa faraha badan ee la isku musuqmaasuqo? Kuwa kaalmada bixiya. Kaalmada dhaqaale, ganacsiga iyo qandaraasyada.   Xildhibaannadu waxey u daneeyaan ciddii ey danahooda ka helaan. Waxey u baahan yihiin culuun la xiriirta shaqadooda. Aqoonta ayaa ku yar. Badankood waxey xildhibaanno ku noqdeen hab qaldan, waxa keliya ey dhowraan waa dhaqaalaha. Mana matalaan wax dhaafsiisan wax aan kursigooda ahayn. Dagaalku joogsan maayo illaa inta jawaab qancisa ey dacwooyinkooda kaga heleyaan dhibbaneyaashu.   Dhammaan dadka u qaxa Mareeykanka, ama Iswiidhen waxey sheegtaan iney ka soo jeedaan qowmiyadaha laga tirada badan yahay. Hase yeeshee ma jiro mid ka mid


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above