Page 216

Codadkeenna, Sawirradeenna

Abuukar, 16 jir Waxaan rabaa inaan beeralay noqdo. Iswiidhen waxaan deggenaa saddex sannadood. Haddii Soomaaliya nabad ka aloosanto wuxuu noqon lahaa dal wanaagsan. Midda ugu wanaagsan waxay tahay inuu yahay waddan cimilo kulul leh. Faadumo Maxamed Axmed Aniga oo siddeed jir ah xilli kuleylihii ayaan u baqoolney magaalo la yiraahdo Afgooye. Xillaga fasaxa iskuulka Afgooye ayaan aadi jirney.   Maalin walba nin iyo dameerkiisa ayaa na hor mari jiray, oo haan biyo ah ku jiidaya. Waxaan ku fekeri jiray inay raaxo tahay in gaari dameerka lagu kor fadhiyo. Maalin maalmaha ka mid ah Ayaan go’aansaday in aan gaari dameerka ku boodo mar uu ninkii lahaa u galay deriska. Laakiin waan ka dhacay oo waxaan galay dameerka lugihiisa iyo shaaga gaari dameerka dhexdooda, markaa ayuu dameerkii baqay isagoona isku taagay labada lugood oo igu fariistay. Qaylo ayaan afka qabsaday. Gabar iga yarayd oo lix jir ahayd ayaa soo baxday oo iyaduna qaylo afka qabsatay, dameerkii ayay garaacday si ay iiga soo jiito.   Kuma dhiiran inaan hooyaday u sheego wixii dhacay, laakiin kolkay guriga timid ayay dareentay inuu is bedel dhacay. Waxay is waydiisay sababta aan u aamusanahay oo aanan bannaanka u aadin si aan carruurta kale ula ciyaaro.   Mar dambe sameeyn maayo, Ayaan ku fekeray. Wixii ka dambeeyay waan ka nixi jiray mar walba oo aan dameer arko. 212


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above