Page 213

Codadkeenna, Sawirradeenna

Hoodo Ibraahim Waxaan ku dhashay Hargeeysa 1973. Hooyo waxay ahayd umuliso aabbena wuxuu ahaa boliis. Waxaan deggeneyn guri caadi ah oo 4 qol ka kooban. Iskuul ma aanan tegin, Jaamac Cali Waxaan ku dhashay oo ku barbaaray Muqdisho sannadkii 1976. Labadayda waalidba waxey u shaqeeyn jireen dawladda. Aad ayaan uga heli jiray iskuulka waxaanan ku fekeri jiray inaan macallin noqdo maadaama si aad ah loo dhageeysan jirey oo loo ixtiraami jirey.   Iswiidhen waxaan xor u ahay inaan nolosheeyda u dooro dhabbadii aan doono. Waxaan rajeeyn inay Soomaaliya caadi ku soo noqoto. Labaatan sannadood in ka badan ayay dagaal sokeeye ku jirtay Soomaaliya oo haddii la doonayo in la badbaado ay tahay in laga qaxo Soomaaliya. 209 laakiin dugsiga quraanka ayaan tegi jiray maalin walba.   Maalin waxaan xasuustaa aan hooyo u soo sarrifi lahaa lacag oo ey laban in i soo daba dhigteen. Waxaan garansanaa iney lacagta u socdaan markaa ayaan ku cararay guriga ina adeerkay oo ku yaalay suuqa agtiisa. Nimanku guriga bannaankiisa ayey fariisteen illaa gabalku ka dhacay iyaga oo isugaya. Dharkii ayaan badashay oo guriga ammaan ku tagay aniga oo albaabka dambe ka baxay.   Iswiidhen waxaan ku bartay sida wax loo qoro, akhriyo iyo sida wax loo xisaabiyao, oo aanan horay u aqoon intaanan halka iman. Haramain, 18 jir Aabbe wuxuu horay uga tirsamnaa milateriga. Wuxuu sheegay in Soomaaliya horay u ahayd dalka ugu wanaagsan Afrika. Wax walba way shaqeeyn jireen, dhaqaale hadday noqoto iyo wax kale hadday noqotaba. Laakiin kolkii uu dagaalku bilowday ayay wax walba isku daateen. Cid walba waxay dooneeysaa inay madax noqoto, laakiin suurtagal maahan.   Iswiidhen way ka duwan tahay. Dadka oo dhami waxay leeyihiin xuquuq isku mid ah. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan halkan nimid. Waxaan dareemayaa in dalkani midkaygii yahay. Haddii aan Soomaaliya u guuro waa inaan kow haddana ka soo bilaabo. Aabbahay wuxuu lahaa beer wayn, laakiin hadda wax walba waa lumen.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above