Page 212

Codadkeenna, Sawirradeenna

Yuneydi, 19 jir Iswiidhen waxaan imid 2008. Soomaaliya iminka mid ka wanaagsan ayay u eg tahay. Waxay dayactireen garoonkii iyo dhismooyin badan. Laakiin waxaa jira dhallinyaro hubeeysan oo haddii aanu boliis ka dhoweyn wax dilaya.   Waxaan dhigtaa dugsiga sare. Iswiidhen bilaash ayaa wax lagu baran karaa. Guri ayaa lagaa caawinayaa. Soomaaliya iskuulku lacag ayuu joogaa. Haddaadan lacag haysan 208 wax ma baran kartid. Iswiidhen dadku way siman yihiin, waxaa halka jira ammaan. Soomaaliya nidaamkaa kama jiro. Iswiidhen waxaa ka jira dimoqoraadiyad. Dadku waa isku wada qiimo. Cid ku rabshi karta ma jirto.   Waxaan rabaa inaan noqdo kalkaaliye caafimaad oo aan dabadeed ku noqdo Soomaaliya si aan u caawiyo dadka u baahan. Waayeelka waxey u baahan yihiin cid xanaaneeysa. Maxamed, 28 jir Dhammaan waxaa la rajeeynayaa nabad, laakiin anigu isbedel ma arko. Wax qarsoon ma jiraan. Wax walba way muuqdaan. Dadku markay Soomaaliya is leeynayaan waxay ku xiran tahay qabiil. Madaxdoodu waa iney la socdaan waxyaabaha ey raaciyadoodu sameeneyso.   Iminka waxaan dhigtaa Komvux. Wanaag ayaan rajeeyn, inaan noqdo dhakhtar ama wax la mid ah. Waxaan rabaa inaan caawiyo oo kor u soo qaado waxyaabaha wanaagsan iyo inaan xumaanta saaro. Laakiin sidii dagaalku u bilowday ma dooneyo inaan Soomaaliya ku noqdo. Inta qabyaaladda laga tirtireyo rajo ma jirto.   Si loo riyooda waa in marka hore la seexdo.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above