Page 206

Codadkeenna, Sawirradeenna

  Waa dal aan muddo 20 sannadood kor u dhaafeysa dawlad shaqeeysa aan lahayn, oo wax walba mulki loo leeyahay, laakiin waxaa laga helaa biyo iyo koronto iyo inuu yahay mid ka mid ah waddamada afrika ee aaladaha teknikada lagu xiriiro ugu horreeya. Waa mid lala yaabo, waayo sawirka laga heeysto ayaa ah in Soomaaliya ku dhacday god madow. Dhinacyo badan way luntay, laakiin meelaha qaarkood way ugu horreeysaa Afrika. Kaararka qaarkood waxaa wax lagu kala iibsadaa mobaaylka. Nidaamka bangigu wuu shaqeeyaa. Meesha aad caalamka ka doonto ayaad lagac uga diri kartaa tuuladii aad doonto ee Soomaaliya ka mid ah.   Xitaa haddii aaney dadku tacliin laheyn kama hor istaagin in mobaaylka ey isticmaalaan. 202   Dugsi Hoose/dhexe ayaa laga yaabaa iney dhigtaan 30% hablaha, halka kolka la gaaro dugsiga sare ey tiradaasi noqoto qiyaastii 5%. Waa muhiim in wax laga badalo xaaladdaa. Waa haweenka kuwa sida xooggan u shaqeeya oo suurtageliya kobaca dhaqaale.   Dabadeed waxaan la shaqeeyay haweenka dhibaatooyinka baaxadda lihi la soo gudboonaadeen; qaxootiga, reer guuraaga ey xoolahoodii ka dhammaadeen. Waxaannu dhisney suuq ey ka shaqeeysan karaan oo saqaf leh. Waxaa la siiyaa boos lambareeysan oo ey ku ganacsadaan, waxaa la siiyey miisaaniyad ey bilowga ku shaqeeyaan iyo sidoo kale in la siiyo aqoon kororsi loogu tababareyo sidii ey ganacsigooda ku hagi lahaayeen. Waxaannu abuurney xiriir u dhexeeya beeraleyda iyo baayacmushtarka. Waa mid shaqo abuureeysa isla markaana saamaxeeysa dhaqdhaqaaq, in dad badan laga qeyb geliyo; kuwa dhoofiya, kuwa shidaalka iibiya, wax walba wey shaqeeyneyaan. Waa xaqiiq iney wax yar yihiin, laakiin meel un waa in laga bilaabo. Waxaan la shaqeeyay 400 oo hablood oo shirkado u gaar ah furanaya. Dad badani waxey sheegaan in Soomaaliya ay halis tahay in lagu noolaado, in dadka la handado oo culeeys ey dareemeyaan. Waa inaan xasuusnaanno in sida aan Soomaaliya u fahanno marka dibadda la joogo ay ka duwan tahay kolka halkaa la joogo. Waxaa halkaa ka jira welwel, dhibaato iyo dagaal, laakiin noloshu kuma istaagto in jahwareer lagu sugan yahay. Mashaariicdan waa nalagu xabbadeeyey, waxaa sidoo kale ka daadgureeyney ardeydeenna. Dagaalku magaaladaana wuu ka socday. Waa la is toogan karaa, marka waa in laga soo cararaa. Laakiin sida ugu dhakhsiyaha badan oo xabbadu u joogsato waa in boorsada safarka dib loo furaa, haddana loo howl bilaabaa. Way adag tahay in loo sharxo ruux


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above