Page 205

Codadkeenna, Sawirradeenna

201 Yaasmin Yaasin Waxaan deggenahay magaalada Jönköping waxaan ahay ku sime laameed ee degmada Habo kommun. Lix sannadood ayaan jiray kolkaan Iswiidhen imid, dalkayga cusub. Iswiidhen waa adduunkeeyga oo dhan.   Inaan dhowr sannadood ka hor aan u ambabaxo Soomaaliya waxay ahayd doorasho aniga iga timid, aniga oo dareemay inaan wax tabayo. Lagama maarmaan ayay ahayd inaan qaybta iga maqnayd soo helo. Halkaa ayaan u ambabaxay si aan muddo sannad ah uga soo shaqeeyo dalkii, weliba qaybta loo yaqaanno Puntland. Waxaan deggenaa Gaalkacyo, magaalo da’ ah oo aad u kobocday.   Markii aan kow imid waxaan la shaqeeyay gabdho da’ yar oo iskuul dhiganayey una baahnaa xoogaa taageero ah si ey iskuulka ugu guuleeystaan. Soomaaliya habluhu ma helaan suurtagallo la mid ah kuwa wiilasha la siiyo. Waxaa jira dhaqan ah in wiilashu maalgashi yihiin. Fikirkaa ayaa waayadan dambe wax iska bedeleen. Waxaa la ogaadey iney hablahu yihiin laf dhabarta reerka.   Gaalkacyo ayey 90% haweenku shaqeeyaan qorrax soo bax illaa gabal dhaca. Waxey iibiyaan yaanyo iyo caano, waxey soo guraan xaabada dabka loo isticmaalo, ilmaha ayey ka warqabaan in iskuulka loo diro iyo in cunno ay miiska saaran tahay. Raggu maxay qabtaan? Qaar badan dagaalkii ayey ku dhinteen ama waxey ku jahwareersan yihiin nafsaddooda oo ey ka dhammaan la’ yihiin. Waxey noqdeen kuwo aan niyad u hayn wax qabad. Way adag tahay in nin lagu yahay Soomaaliya sida aan qabo.   Waxaa laga dhammaan la’ yahay fikirka qabiil. Nidaamka qabiilku maahan mar walba mid xumaan leh, mararka qaarkood waa ceeymis qaraabada lagu taakuleeyo. Midda xun ayaa ah kolka cadowtinimo loogu qaado qabiillada kale. Mashruucaagii nooga warran! Wuxuu la xiriirey sidii loo maalgelin lahaa tacliinta hablaha. Waxaan ka caawinayay koorasyo iyo xirfado sidey ku heli lahaayeen oo shirkado ku abuuran lahaayeen. Sidoo kale waxaan la shaqeeyay wiilasha. Waxaa halkaa ku sugan wiilal aan wax qorin waxna akhrin oo qaar badan ey dunuubta u wareegaan. Noloshu way adag tahay, waxaa loo baahan yahay lacag. Waxaa loo baahan yahay tacliin iyo dhaqaale kobcin si shaqo loo helo.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above