Page 190

Codadkeenna, Sawirradeenna

Xalka sideed u aragtaa? Waxaa laga dhawaajineyaa ereyo macmacaan, laakiin xaqiiqdii way adag tahay. Waxaa dalka lagu casumay dembiileyaal si ey dalka ugu ammaan helaan. Jihaadisteyaasha iyo qaar kale oo dano wata. Waxaa ka dhashay kooxo islaamiyiin ah oo awood leh xiriirna la leh ikhwaanka Masar iyo goobo kale. Soomaaliya waxaa iminka ka jira iskuullo gaar loo leeyahay oo diin ku saleeysan. Dalka meel kale ayaa laga hagaa. Waxay noqon kartaa Sacuudiga, Masar, Qadar ama Yemen… iskuullada oo dhan waxey leeyihiin magacyo 186 muslin waana dalalkaa kuwa maalgeliya.   Nidaamka tacliinta waa inay dawladdu hagtaa. Iminka waxaa jira dhammaan kooxahaa kala duwan oo dibadaha ka kala yimid oo dooneya iney saameeyn ku yeeshaan. Iskuulladoodu waa sidii shirkado yaryar oo kale oo soomaalidu isku debirto. Waxey difaacayaan ganacsigooda.   Safar ayaan ku tagay si aan u soo eego, waxaan ku arkay iskuullo hub lagu tababareyo dhallaan yaryar oo direeys qaba. Toban jir wey ka yaraayeen. Waa caqiideeyn. Maskaxda ayaa laga dhaqayaa.   Dadyoowga iskuullaadkaa hayaa waxey wataan summad diineed iyo afar afar xaas oo ey leeyihiin. Waxaa ka dambeeya caqiido. Waxey kaloo leeyihiin ganacsiyo kale kuwa iskuulladaa gacanta ku haya. Awooddooda dhaqaalena aad bay u sarreeysaa. Iskuul walba wuxuu ka dhigan yahay in 200 oo ruux ey ku xiran yihiin mulkiilaha. Xaqiiqdii waa iyaga kuwa hoggaanka haya. Siyaasiyuuntu awood kuma jirto gacantooda. Wax rajo ah ma kuu muuqataa? Xalka keliya ee aan arkaa wuxuu yahay in la helo hoggaamiye adag oo waddaninimo ku fekeraya. Musuqmaasuqleyaasha ku xiran cid kale nagama xorreeyn karaan dhibaatada nagu habsatay. Xalka keliya ee ii muuqda wuxuu yahay in la helo hoggaamiye adag oo waddani ah. Cid musuqmaasuq ah oo cid kale ku xiran nagama saari karto dhibaatada nagu habsatay. Sharci la’aantu nama gaarsiin karto nidaam dimoqoraadiyadeed. Waxaa dimoqoraadiyad la gaari karaa oo keliya kolka wax walba halkoodii tagaan. Hadda in dimoqoraadiyad laga hadlo Soomaaliya waa wax aan suurtagal ahayn. Xorriyad ma taalo, wax walbana jahwareer ayey ku sugan yihiin. Marka hore waxaa loo baahan yahay sharci iyo kala dambeeyn.   Soomaali ahaan waan ka xanaaqaa kolkaan maqlo in la dilo shakhsi inuu caawiyo ugu tagay. Middaa ayaan ka fekeraa kolkaan maqlo in ururka dhakhaatiirta aan xadka lahayn aanu ka shaqeeyn karin Soomaaliya. Waxaan ka fekeraa cidda kunka miil ugu safarta Soomaaliya sidii ay u caawin lahayd oo la dilo ama afduubka loo kaxeeysto. Mararka qaarkood waan ka xishoodaa inaan soomaali ahay.   Waxaan ka fekeraa xumaanta. Waxaa hadda jooga madaxwayne iyo wasiirro aan


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above