Page 19

Codadkeenna, Sawirradeenna

15 Xorriyadii iyo burburkii Soomaaliya waxay dhacdaa geeska Afrika. Waqooyi waxaa ka dhaca Jabuuti, Galbeed Itoobiya, koonfur galbeedna Keenya. Waqooyi waxaa ka mara Gacanka Cadmeed. Bariga iyo koofurtana badwaynta Hindiya.   Soomaaliya waxaa ku nool bulsho u dhiganta tan Iswiidhen, qiyaastii 9,5 malyan, laakiin dagaalkii sokeeye ee 1991 ayey ka qaxeen hal malyan. Badkeedu wuxuu u dhigmaa hal iyo bar dhulka baaxadda Iswiidhen. Caasimaddu waa Muqdisho.   Soomaalidu waa muslin sunni ah, waana beeraley, xoolo dhaqato iyo ganacsato. Dhaqanka reer miyigu weli wuu ku adag yahay. Sidoo kale dhaqanka qabiilka ayaa asal u ah go’aammada iyo cadaaladda. Afka soomaaligu waa kushiitik, qoyska afroasiatik.   1960 ayay Soomaaliya xorriyaddeeda ka heshay Ingiriiska iyo Talyaaniga. Inkastoo dhaqan iyo diinba laga mideeysan yahay ayuu haddana dalku burburay. Xilligii dimoqoraadiyadda ayaa gaabnaa. Gaajo iyo dagaal lala galo deriska Itoobiya ayaa caqabad bulshada ku abuuray. Dhibaatooyinkii qabiillada ayaa xoogaystey sannadkii 1991, kolkii dawladdii burburtay. Dagaalladii sokeeye ayaa dalkii baabi’iyey.   Wixii ka dambeeyay waxaa dalka loo yiqiin dal guuldareeystay, dalka ugu ammaanka iyo musuqmaasuqa xun. Gobollada qaarkood gaar ahaan Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday inay go’day ama maamul yeelato, dawladihii Soomaaliya soo marayna awood ma eysan yeelan.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above