Page 186

Codadkeenna, Sawirradeenna

Xakiim Cali Waxaan sannadkii 1958 ku dhashay magaalada Berbera. Waalidkay waxey lahaayeen dukaan cunnada lagu iibiyo. Waxaan lahaa afar walaalo ah, laakiin aabahay wuxuu lahaa laba xaas oo kale marka hooyaday laga yimaado iyo carruur.   Waxaan dhigtay dugsigii quraanka iskuulka dabadiina waxaan hooyo ka caawin jiray alaab dhaqidda iyo raashin karinta. Iskuul caadi ah ma aanan dhigan. Maalin ayaan guriga ka baxsaday mar ay hooyo i dishay. Waxaan dhowr maalmood ku dhuumanayay duurka cunno la’aan.   Hamigaygu wuxuu ahaa inaan noqdo dembibaare. Intii aanu dagaalka sokeeye bilaaban waxaannu lahayn shaleemooyin iyo maqaayado sida halkan oo kale. Cumar, 23 jir Waxaan Iswiidhen imid anigoo saddex sanno jir ah. Lama mid ihi dadka xusuusta ka haysta soomaaliya. Fikirka aan ka qabaa wuxuu yahay inuu fakhri halkaa ka jiro iyo inaaney ku heshiin karin ciddii awoodda qaban lahayd. Dhammaantood waxey rabaan in cid qabiilkooda ah aay matasho. Waa dad madax adag. Laakiin waa iney is dhageeystaan 182 oo aaney un ku dhegenaan inuu ina adeerkood un awoodda qabto.   Way adag tahay in bulsho la abuuro haddii qaraabada un loo daneeyo. Ma noqoneeyso bulsho is heeysata. Hooyaday ayaa dalka ka soo carartay maadaama uu dagaal sokeeye bilowday. U maleeyn maayo inaan dib ugu guuri doono. Halka ayaan ku koray, muddo ka badan ayaan halka joogay, waxaanan wax ka garanayaa bulshada iswiidhishka.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above