Page 158

Codadkeenna, Sawirradeenna

mucaawino loo bixiyo buugag. Sidee looga guuleeysan karaa argagixisada? Laaybareeriyo la geeyo tuulooyinka waxey bedeli lahayd in hub la isticmaalo ama qaad la ruugo. Xoog wayn ayaa la geliyey sidii cunno loo gaarsiin lahaa dadka, laakiin maskaxduna xatxantayn ayay u baahan tahay.”   Ma jiraan wax u gaar ah suugaanta iyo dhaqanka soomaalida?   ”Geela! Romaantigga geela ayaa muhiim ah. Haddii 100 geel ah la leeyahay waxay u dhigantaa inaad shirkad wayn ku leedahay saamiyo dhaqaale oo fara badan.”   Laakiin qurbaha waxaa sidoo kale la qoraa iney jiraan isku dhac dhanka dhaqanka ah iyo furriin fara badan, sida uu sheegay:   ”Ma tagnaa, ma joognaa? Ma dooneynaa in caruurteennu noqdaan idinkoo kale? Doodo badan ayaa na hor yaala, waxaan kaloo hadda ku hadalnaa luuqado badan. Meel walba ayaan joognaa. Waxaan kala guursanney qowmiyado fara badan.”   Maxamed Sh. Xasan wuxuu ururiyay qaar ka mid ah sheekooyinkiisa xayawaanka oo ey ku jiraan sawirro uu sameeyay farshaxanle keenyaan ah, isagoona dusha ka saaray buugagtiisii Alfons. ”55-jir ayaan ahay, nolosheeyda badankeedna waxaan deggenaa Iswiidhen iyo Kanada,” 154 ayuu qeexay. ”Waalidkey wey dhinteen. Cid badan halkaa ka garan maayo. Saddex jeer ayaan u socdaalay dhankaa waxaanan dareemay inaan socoto ahay, way ka sahlan tahay inaad waddan cusub la qabsato, aad bay uga adag tahay inaad dalkaagii dib ula qabsato.”


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above