Page 157

Codadkeenna, Sawirradeenna

  Guddiga talada dhaqanka ayaa ka taakuleeyay shirkaddu iney lugaheeda ku istaagto. Maxamed Sh. Xasan wuxuu jaamicadda Stockholm ka bartay culuunta dhaqaalaha, hase yeeshee sannadkii 1992 ayuu doortay inuu ku howlgalo shirkadda ugu manaafacaadka yar. Wuxuu goostay inuu kor u qaado xiisaha akhriska ee koox aan lahayn dhaqan wax akhrin.   ”Qorshe ku talogal ah,” sida uu sheegay isagoona ku qanacsan ereyadiisa.   Wixii intaa ka dambeeyay ayuu abaabulay masraxyo buugag fara badan, marka laga soo bilaabo bariga Jabuuti illaa iyo galbeedka Seattle. Carwadii ugu horeeysay waxaa lagu qabtay xaafadda Rinkeby, wakhtiyadii ugu dambeeyey waxaa laba ka mid ah lagu qabtey magaalada Malmö. Madxafyada buugagta ayaa ah kuwa ugu wayn ee iibsada.   ”Dhaqaale badan kaa soo geli maayo, laakiin waxaan sameeyay intii tabartayda ah, waanan ku faraxsanaa. Waa in faraxsanaan la dareemo.”   Farxadda ayaa marar badan uu dareemaa kolka uu helo buug taariikhi ah oo aanu muddo arag ama cajilad fiiqfiiqan.   ”Riyadu waa miyuusiyum in la helo, Malmö ama Danmark. Waxaan rabnaa inaan ururinno waxyaabaha aan la ogsooneyn iney jiraan, jiilalka dambe dartood. Buugagta lagu daabaco Iswiidhen waa kuwo la dhoofin karo, kolka waxyaabahaa la maalgeliyana dadku halka ayay iman si ay cilmibaaris ugu sameeyaan.”   Maadaama dhaqankii la baabi’iyey Muqdisho waa mid lagama maarmaan ah in la diiwaangeliyo waayoaragnimada qurbaha taal, sida uu qabo Xasan:   ”Shakhsi walba oo geeriyooda wuxuu la mid yahay madxaf buugag oo gubtay.” Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Maxamed Sh. Xasan iyo reerkiisuba ey u guureen Toronto. Maxaa sababay?   ”Soomaalidu waa reer guuraa, sida aad la socoto. Waxaan jeclaa inaan baaris ku sameeyo qaxootiga yimaada waqooyiga Ameerika. Kanada waxay qaabishaa 300 000 oo qaxooti sannadkii, marka waan dalbaday oo lay ogolaaday. Waxaan ururiyay cajalado 600 gaarsiisan, kun hees oo aan dhageeysan jiray waagii aan yaraa oo iminka qoran. Aniga qudheeydu buugag ayaan qoraa ku saleeysan sheekooyinkii hore. Toronto waxaa mar walba la igu weydiiyaa siday Iswiidhen ugu suurtagashay in waxanoo buug laga soo saaro. Soomaalida mareeykanka iyo kanadeesku qayb yarna uma aaney suurtagelin iney soo saaraan.”   Madaama Iswiidhen tahay waddan taageero dhaqaale oo fara badan u fidiya Soomaaliya, wuxuu kaloo dalkani gacan ka geeysan kari lahaa taageero dhanka dhaqanka, sida uu qabo.   ”Waa mid mustaqbalka la xiriirta. Waxaa la dhisi karaa laaybareeri iyo masrax, in 153


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above