Page 151

Codadkeenna, Sawirradeenna

147 Yaasiin Cismaan Keenadiid Cismaan Yuusuf wiilkiisii ahaa Yaasiin ayaa xoog badan geliyay siduu u faafin lahaa fartii cusmaaniyada. Go’aankii laatiinka lagu qaatey 1972 ayuu halkiisii ka sii waday siduu ku soo sari lahaa qaamuus af-soomaali.   Inkasta oo Yaasiin Cismaan Keenadiid uu ku khasbanaaday inuu sannadkii 1974 galo howlgab mushaar la’aan ah ayuu howshii halkeedii ka sii waday, iyada oo laba sannadood dabadeed uu diyaar ahaa buug qaamuus ah. Marka laga yimaado 15 000 oo erey waxaa qaamuuska ku qoran sharraxaadda naxwaha soomaaliga. 40 000 oo koobi qaamuuska ah ayaa lagu daabacey magaalada Floorens ee dalka Talyaaniga.   Yaasiin wiilkiisa Xaashi Yaasiin Cismaan ayaa sheegay in buugagta kolkii la keenayey Muqdisho uu aad uga carrooday nin ka mid ahaa madaxdii sare ee kacaanku maadaama aannu qaamuuska dusha kaga oolin sawirkii madaxweynaha, isagoona soo jeediyey in dhammaantood la gubo. Saraakiil kale ee dawladda ka tirsanaa ayaa badbaadiyey qaamuuska.   1980 ayay wasaaradda hiddaha iyo tacliintu go’aamisay gunnada qoraaga lagu siin lahaa iibinta buugga. Kolkii uu Yaasiin Cismaan saddex sannadood dabadeed warqad u qorey wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare uuna waydiiyay gunnadii ayaanu wax jawaab ah ka helin. Inkasta oo madaxweeynaha dalku 1984 afkiisa uga ballan qaaday Yaasiin in gunnadii la siin doono ayuu wasiirkii dhaqanku ka gaabsaday middaa. 1988 ayuu Yaasiin Cismaan Keenadiid ku geeriyooday cusbital ku yaala dalka talyaaniga.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above