Page 140

Codadkeenna, Sawirradeenna

  Kolkuu qaamuuskii dhammaaday ayuu Yaasiin Cismaan u safray magaalada Floorens ee dalka Talyaaniga isagoona indhaha ku hayay daabacaaddiisii. Qiimaha buugga ayaan la qiyaasi karin; waa aasaaskii dhaqanka soomaalida. Maadaama aanu qoraagu helin dhaqaalihii loo ballan qaadey, waxay qaraabadu ku khasbanaatay inay lacag u uruuriso si indhaha loogu soo daweeyo dalka talyaaniga, aragtidiisii oo xumaatay darteed.   ”Wuxuu ku dhowaa inuu indho beelo. Dhammaan alaabadiisii wuxuu ku soo wareegsaday 136 guriga oo xafiis u noqday. Wuxuuna geeriyooday sannadkii 1988. Wuxuu ahaa shakhsi aragti wanaagsan, cabasho lagama maqlin weligii. Waxaan Malmö ku hayaa mashiin kuwa wax lagu qoro ee farta cusmaaniyada.”   Warsame Cismaan waxaa ifka u jooga 11 walaalihiis ah; dhammaantood marka laga reebo laba gabdhood waxey ku sugan yihiin dalka dibaddiisa, Sacuudiga, Iswiiserland, Danmark, Holan…   ”Xaaladda waa sidaa, qooysaska soomaaliyeed oo dhan ayaa kala maqan. Waxaan abuuri karnaa urur yar oo caalami ah oo Qarammada Midoobey ah. Muddo 20 sannadood ka badan ayaannu lahayn sannadka dambe ayay hagaagin, laakiin ma dhacdo.”   Waa sidee xaaladda dhaqanka ee Soomaaliya maanta?   ”Ma jiraan rugo dhaqan, waxaa jira boqolaal qoraayo ah, laakiin waxey ku kala firirsan yihiin adduunka dacalladiisa. Ma kulmi karaan, rug mideeysa ma jirto. Madxafyo ma jiraan, laaybareeriyo ma jiraan, ma jirto cid masuul ka ah dhaxalkii dhaqanka.”   Maxaa ku dhici doona marka luuqadda soomaaliga?   ”Siyaasiyiinta maanta haga dalka xiise uma hayaan middaa. Waxey haddba u socdaalaan shirar caalami ah oo ey kula kulmaan madax ka socota waddammo kale halkaasina lacag ka helaan. Waxey ku dadaalaan iney dhaqaale baaxad leh urursadaan. Qaarkood waxey guryo ka iibsadeen waddammada deriska la ah Soomaaliya.”   Warsame Cismaan oo la barbaarey shakhsiyaad u gubanayey luuqadda, way ku adag tahay inay u muuqato xiise darrida loo hayo dhaqanka iyo tacliinta.   ”Inta yar ee suurtagalka u hesha tacliin waxey inta badan dhigtaan iskuullo carabo oo loo maalgeliyo dan laga leeyahay aawadeed. Waa kuwaa kuwa awooddu gacanta ugu jirto. Soomaaliya waa sidii suuq xor ah oo kale. Badankood 3-dii boqol oo dawladdii hore ku hareersanaa waxey ku dhaqan yihiin dalka dibaddiisa, Yurub ama Kanada. Waxey xubno ka ahaayeen dawlad ku meel gaar ahayd. Ma aaney laheyn wax himad ah. Waxey un u tageen Soomaaliya dhaqaale daraaddii. Wax fikir ah oo ey ka heysteen dhaqan ma jirin.”


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above