Page 133

Codadkeenna, Sawirradeenna

129 Luuqadda iyo xorriyadii Luuqadda ayaa loo arkaa inay tahay waxa ugu qiime badan ee dal uu leeyahay, sida uu cilmibaaristiisii ”Politics, language, and thought: The Somali experience”, ku qoray caalinka mareeykanka ee David Laitlin.   Waddammo badan oo afrika ku yaala ayey xorriyaddii dabadeed halkoodii ka sii socdeen luuqadihii gumeeysiga – ingiriiska iyo faransiisku, kuwaasina oo saameeyn ku yeeshey xiriirkii garabyadii gumeeysteyaasha iyo waddammadii la gumeeysan jirey. Dalka Soomaaliya ayuu xiriirkaasi noqday mid aad u hooseeya, xitaa haddii hoggaamiyeyaashii halganka ugu afka dheeraa ey ku hadli jireen ugu yaraan hal luqad ee luuqaddihii gumeeysiga ee talyaaniga, ingiriiska ama carabiga. Luuqadda soomaaliga ayaa xoog lahayd, xitaa haddii ey ku heshiin waayeen hoggaamiyeyaashii waagaa xuruuftii af-soomaaliga lagu qori lahaa illaa laga gaarey bilowgii sannadihii 1970. Waxaa suurtageliyay maamulkii keligi italiska ahaa ee ka dambeeyay maamulladii intii u dhexeeysey 1960-69.   Luuqadda lagu hadlaa waxay saameysaa aragtida adduun waynaha laga qabo. Haddii af la bedelana waxaa is bedelaya aragtidii adduun waynaha laga qabay. Haddii ey qoraayada soomaalida ee dibadda ku dhaqan ey ku saxsan yihiin iyo in luuqadda oo ka xumaata aanay horseedin bulsho ka wanaagsan.   Su’aasha la xiriirta luuqadda ayaa macne ugu fadhiday xisbigii Somali Youth League, oo ey sannadkii 1943 aasaaseen koox dhallinyaro ardey aheyd kuna aasaasey magaca Somali Youth Club. Qodobka afaraad ee qorshihii kalaabkii dhallinyarada ayaa ahaa ”in la hormariyo luuqadda soomaaliga, isla markaana gacan laga geeysto bilowga isticmaalka fartii cusmaaniyada”.   Howshaa ayuu u ololeeynayay Yaasiin Cismaan Keenadiid oo uu dhalay luqad-yahankii, gabyaagii Cismaan Yuusuf Keenadiid oo isagu allifay sannadihii 1920 qoraal-dhawaaqii fartii cusmaaniyada. Yaasiin Cismaan wuxuu kaloo qayb ka ahaa aasaaskii kooxdii wadajirka suugaanta iyo afka-soomaaliga. Goolka ayaa ahaa in af-soomaaliga la gaarsiiyo heer wax lagu barto, in lagu tarjumo afka soomaaliga buuggaga ugu wanaagsan ee afafka qalaad ku qoran iyo in la daabaco buugag ku qoran farta cusmaaniyadda.In dhaqanka soomaalidu ka guuro hadal ahaan una guuro qoraal. Muddo gaaban gudaheed ayey awoodii xisbigii Somali Youth League la wareegeen kooxo aan daneeyneyn isticmalka fartii cusmaaniyadda.   Yaasiin Cismaan Keenadiid wuxuu madax ka ahaa madxaf ku yaalay magaalada


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above