Page 130

Codadkeenna, Sawirradeenna

Annarita Puglielli 1976 ayuu Yaasiin Cismaan Keenadiid daabacay qaamuuskii ugu horeeyay ee af-soomaali ku qoran, ”Qaamuuska Af-Soomaaliga”, halkaasina oo uu ku ururiyey 15 000 oo erey. 2012 ayaa la soo saaray daabacaad cusub oo Yaasiin Cismaan qaamuuskiisii 126 ku saleeysan. Soo saare waxaa ka aheyd caalimadda Annarita Puglielli, madaxa laanta culuunta soomaaliga ee jaamicadda Room. Markii ugu horreeysay ee la igu casumey inaan Soomaaliya tago waxay ahayd sannadkii 1976. Waxaan halkaa u tagi lahayn sidii aan talyaani uga soo dhigi laheyn hase yeeshee markiiba waxaa ii caddaatay inuu dalkaasi xiise ii yeelan doono. Wuxuu rabitaan wayn ii hayay sidii aan ku kobci lahaa. Waxaa waagaa la furey jaamicad iyada oo dhallinyarada soomaalidu xiise u qabeen culuunta kala duwan. Luuqadda talyaanigu waxay noqon lahayd afka jaamicadda lagu dhigto.   Isla markaa waxaannu ogaaney in aanu jirin suurtagalka ah in af-soomaali wax lagu dhigo. Iskuulka laguma dhigan jirin naxwaha. Waxaa jirey buugag soomaali ku qoran oo ey ku yaaleen oo keliya sheekooyin leh laylisyo la buuxineyo iyo weero la dhammeeytireyo. Waxaan meeshaa oolin buug naxwaha laga daalacan karay. Middaasi ayaa ahayd howsha aannu ka wada hadalney in muhiimad ay leedahay dawladdii waagaa. Laba waxyaabood ayaanu hiigsaneyney: in aannu af-soomaaliga qeexno isla markaa annaga oo ardeyda soomaalida wax u dhigna.   Sannadihii 1990 ayaan oran jiray ineynaan shaqada joojin karin maadaama uu un socdo dagaal sokeeye. Waxaa jirtey soomaali dibadda ku nooleyd oo nala shaqeeyn jirtey. Qorshihii waxaan u wadney sidiisii. Qaamuskan wuxuu xaqiiqdii qaatay muddo ka badan intii aannu ugu talo-galney. Halgan ballaaran ayaan uga galay jaamicadda Room sidii xarunta dhexe ee soomaaliya loo abuuri lahaa. Maantana waa xarunta keliya ee caalamka. Maxaa loogu baahday qaamuus hor leh ee af-soomaaliga? Howshayada waxaan ka bilowney qaamuus soomaali-talyaani ah annaga oo iminka dhameeystirney qaamuus soomaali is fasiraya. Waxaan ku khasbaneyn wax badan inaan Soomaaliya ka baranno soomaaliduna bartaan qaamuusyada sida loo qoro. Qaamuuskii Yaasiin Cismaan wuxuu xilli taariikheed u ahaa cilmiga qoraalka qaamuuska soomaalida. Yaasiin Cusmaan qaamuuskiisu wuxuu dhabbe tus u noqday habka xuruufqorka


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above