Page 13

Codadkeenna, Sawirradeenna

ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay xuruuf afka u gaar ah –cusmaaniyadda. Kaalinta uu afku ku leeyahay ilaalinta dhaqanka maahan mid la dhayalsan karo waxaana jira gabyaayo soomaali ah oo dibadda ku nool oo ka cabsi qaba inay luuqaddu halis ku sugan tahay. Waa mid caqabadeeynaysa bulshada – af xumidu waxay sabab u tahay fikir xumida, sida uu qoraa ku sheegay buuggan.   EREB wuxuu muhiimad ugu fadhiyay soo shaacinta waayoaragnimo iyo waddan guud ahaan lumiyay xorriyaddiisii, kaabiyadii dawladeed, xusuus badan, iyo waddan lagu soo bandhigo kolka laga warramayo inuu yahay waddan macne beelay.   Buuggan wuxuu xambaarsan yahay sawirro cusub oo qiimo leh oo Malmö lagu qaadey iyo kuwo taariikhi ah ee soomaalida laga helay. Sawirradan dambe waxey muujineyaan sida soomaaliya u ahaan jirtay muddo aan fogayn bulsho caadi ah oo leh jaamicado, cilmibaaris, kaabe dhaqaale, goobo caddaalad iyo haween ku howlgeli jirey xirfado kala duwan. Hase yeeshee uu dagaalka sokeeye dhammaan daah saaray ama la ilaawey, iyadoona 9 jiilalka yaryari aaney warba ka hayn xaqiiqdaa.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above