Page 128

Codadkeenna, Sawirradeenna

Axmed Faarax Cali Inta badan waxaa loogu yeeraa naanaystiisa Idaajaa. Axmed Faarax Cali wuxuu soo saare ka ahaa dhowr buug oo lagu ururiyey gabayo soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale horay uga soo shaqeeyay laanta BBC ee soomaaliga. Sannadkii 2012 ayaan magaalada Room kula kullaney, halkaasina oo lagu soo bandhigayey qaamuuska cusub ee ”Qaamuuska 124 Af-Soomaaliga”. Waxaan ahay qoraa iminka deggan magaalada Nayroobi ee dalka Keenya. 20 sannadood hortood waxaan xubin ka ahaa guddigii luuqadda soomaaliga ee akadeemiyada Muqdisho. Waxaan qoraallo iyo buugag ka qoraa dhaqanka iyo suugaanta soomaalida.   Waxaan aad uga wewelsanahay xaaladda af-soomaaligu ku sugan yahay. Waxaan u baahannahey in luuqadda soomaaliga salka loo dhigo iyo qaamuus ey soo bandhigeen Cabdullaahi Mansuur, Annarita Puglielli iyo qaar la fikir ah oo ey jiilka ka dambeeya u soo bandhigeen. Waxaa jirta soomaali badan oo dunida dacalladeeda ku dhaqan luuqadduna waxay weligeed ahayd xoogga mideeya.   Dagaalkii sokeeye ayaa saameeyn xooggan ku yeeshay luuqadda. Waxaa jira shaashado fara badan, idaacado iyo mawjado tv, hase yeeshee ma jiro xiriir wada xaajood ee dhanka luuqadda ah. Dhan waxaa hor u maraya afka, middaasina ugu wacan tahay tikniloojiyada casriga, dhanka kale cid walba sidii ay doonto ayay wax u qortaa. Sidoo kale hayadaha dawliga ayaa sidaa oo kale u dhaqma.   Ma jirto cid si sax ah luuqadda naxwe ahaan ugu hadasha. Waa dhibaatada jirta. Luuqadda war baahintu isticmaasho waa in loo sal dhigo. Waa waxyaabaha loo baahan yahay in dawladdu isu xil saarto.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above