Page 127

Codadkeenna, Sawirradeenna

123 ”Qaran wada gabyaa ah” Booqashadii uu sannadkii 1854 Soomaaliya ku tagay safraagii, qoraagii, diblomaasigii ingiriiska Richard Francis Burton ayuu ku biirey kooxdii ka soo werisey soomaalidu iney tahay ”qaran wada gabya”. Buuggiisii ”First footsteps in East Africa – tallaabooyinkii ugu horreeyey ee Geeska Afrika” ayuu Burton ku qoray:   ”Waxaa waddankan buux dhaafiyey gabyaa… Dhegaha dareenka badan ee bulshada ayaa ku raaxeeysaneya dhawaaqyada laxaniga ah ee weeraha gabayada, halka ey ka xanaaqayaan weeraha gabayada deelqaafku ku dheehan yihiin.” Burton ayaa sidoo kale ifiyay. Inuu soomaalida u dareemay dad uu garanayo oo kale isagoona ku magacaabay ”aayrishkii Afrika”.   Isaga oo aayrishka u barbar dhigaya, ayuu Burton qoray, ”soomaalidu waa dad jecel iney wax walba ogaadaan oo ey caalamka u safraan eyna aqbalaan shaqa walba iyaga oo aan dareemin wax liidmo ah, laga yaabee inay ugu wacan tahay iney qabaan dadkaba iney ka sarreeyaan.”


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above