Page 12

Codadkeenna, Sawirradeenna

In taariikhdaada aad ka sheekayso ”Codadkeenna, sawirradeenna” (EREB) wuxuu ahaa mashruuc looga gol lahaa sidii dib looga sheekeyn lahaa loo qaabeyn lahaa taariikhda cusub ee gubatay. Dagaal sokeeye oo sannaddo badan socday ayaa soomaaliya halligay. Xusuusta taariikheed ayaa ah mid soocan oo qaar badani lumeen. Sannadihii 1960 iyo 70 waxay soomaaliya ahayd bulsho ka duwan tan maanta. Dagaalkii ayaa iminka burburiyay dalkii, iskuulladii iyo hayadihii dhaqanka, halka ey hal malyan oo ruux ey dalka isaga qaxeen. Tiro ka badan 40 000 ayaa timid dalka Iswiidhen.   Buuggan waxaa sal u ah sheekooyin laga soo minguuriyey dhallinyaro soomaaliyeed oo reer Malmö ah, wareeysiyo iyaga laga qaadey iyo kuwo ey ka qaadeen qaraabo ka da’ wayn. Waxaa 8 la abaabulay kulammo dhowr ah, halkaasi oo ey ka muuqdeen dhallinyaro sheeko wanaagsan. Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa bulshadii gabayaaga iyadoona uu dhaqankaasi halkiisii ka sii noolaa oo lagu baraarujiyay mashruuca EREB.   Taariikhdii isticmaarka ayaa gacan ka geeysatay dhismaha dhaqanka cusub ee Soomaaliya. Marka laga yimaado luuqadda soomaaliga oo leh qormo da’ yar waxey soomaalidu ku hadashaa afafka carabiga, ingiriiska iyo/ama talyaaniga. Muddo gaaban


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above