Page 118

Codadkeenna, Sawirradeenna

Nimco Axmed Bulaale Waxaan ku dhashay Hargeeysa waxaanan Iswiidhen imid sannadkii 1993. Soomaaliya waxaan bartay kalkaaliye caafimaad, laakiin waxaa aad iigu adkaatay sidii aan halkan shaqo ugu heli lahaa maadaama iswiidhishkeygu uu liitay.   Bilowgii ma aanan haysan gabayo aan leeyahay laakiin waxaan ku heesi jiray heeso soomaali caan ah. Dabadeed ayuu gabaygu si toos ah iigu yimid. Wuxuu ka yimid ayeeyadaydii 114 labaad, oo gabayada xambaarsanayd. Ayeeyadaydii labaad iyo ayeeyaba waxay noogu heesi jireen sheekooyinkooda. Markii aan ilmaha ahaa waxaan dhageeysan jiray ayeeyo. Iminka aniga laftayda ayaa ku heesa gabayada, gabayadayda.   Waxaan wax ka qoraa maadooyin kala duwan, mararka qaarkood jaceeylka, dhibaatooyinka soomaaliya ka jira, mararka qaarkoodna dabeecadda. Waxaan wax ka qoraa Muqdisho xilliyadii dagaalka. Soomaaliya waa waddan qurxoon, dagaalkuna waa inuu joogsadaa. Gabayadayda qaarkood waxay ku saabsan yihiin habka ey hablaha soomaaliyeed u labistaan iyo sidey timaha u tidcadaan.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above