Page 105

Codadkeenna, Sawirradeenna

101 Cunnada soomaalida Soomaalidu waxay cuntaa hilib badan. Hilibku waa mid ey soomaalidu ka siman tahay gobol walba oo ey dalka ka deggen yihiin iyo cunno walba oo u gaar ah. Soomaaliya waxaa ku badan lo’da, idaha, naylaha iyo sidoo kale geela, wayna adag tahay in la helo cunno soomaalidu cunto oo aanu hilib ku jirin.   Digirtu waa cunno aad loo jecel yahay, iyada oo lagu darey galley, miraha kafeega iyo saliid macsaro, la isku kariyey, dabadeedna xoogaa sokor ah dusha looga shubay inta aan miiska la dhigin.   Waqooyiga Soomaaliya oo ingiriisku gumeeysan jiray, bariiska ayaa aasaas u ah cunnada. Koonfurta Soomaaliya oo talyaanigu gumeeysan jiray baastada ayaa aasaas u ah cunnada. Bariiska iyo baastadaba waa cunno dibadda loogaga keeney kushinka soomaalida. Cunnada soomaalidu cunto badankeed waa la xawaashaa; waa cunno ey saameeyn ku yeesheen dhaqammada carabta iyo hindida oo ey ka mid yihiin qorfaha, haylka, sinjibiisha, kabsarada iyo basbaaska.   Koonfurta Soomaaliya ayaa laga helaa dhulbeereed ey ka baxaan marka laga yimaado cunnada caadiga khudrad ey ka mid yihiin babaayga, seeytuunka, qaraha, cambaha, balbeelmada noocyada kala duwan iyo mooska. Tayada wanaagsan ee mooska dalka ayaa wax qaranku ku faano ahaa oo adduunka dacalladiisa loo dhoofin jirey intii aanu bilaaban burburkii dalku.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above